Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya colaada ka aloosan deegaano ka tirsan degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in xaalada deegaanadii lagu dagaalamayey maalmahan ay saaka degan tahay, inkastoo aanu jirin wax heshiis ama dhexdhexaadin ah oo ay ku hakadeen dirirta dhimashada & dhaawaca sababtey ee dhexmareysa beelaha ku lugta leh colaadaasi.

Dagaalo culus oo shaley ka dhacay dhul miyi ah oo ku dhaw dooxada Xunbeys ayaa la soo sheegayaa inay geysteen khasaare balaaran oo dhimasho & dhaawac isagu jira waxaana ilo xog ogaal ah oo SBC u waramay ay sheegeen in dirirtii shaley ay ku nafwaayeen 18 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen 24 qof.

Dadka dhintey iyo ku dhaawacmayba ayaa ahaa dhinacyada ku lugta leh colaadan ee ka soo kala jeeda beelaha Cali Saleebaan & Ugaar Saleebaan, kuwaasi oo mudooyinkii la soo dhaafay deegaano ka tirsan degmada Rako colaadi ku dhexmareysay.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmey dirirtan colaadeed gaar ahaan dagaalkii shaley ayaa la soo gaarsiiyey Isbitaalada Magaalooyinka Qardho & Boosaaso, kuwaasi oo qaarkood dhaawacoodu halis yahay.

Ma jirto ilaa iyo hada cid kala dhexgashay beelahan ku dagaalamaya deegaankaasi, waxaase isa soo taraya baaqyo kala duwan oo la xiriira joojinta colaadaasi kuwaasi oo ka soo baxay maamulka, waxgaradka, ururada bulshada & dadweynaha gobolada Puntland.

Dagaalkii shaley oo gaaray ilaa fiidnimadii xaley ayaa iskiis u istaagey ka dib markii mudo saacado ah ay dagaalamayeen dableyda labada beelood ee colaadani ka dhex aloosan tahay.

SBC News Desk