Dagaalo culus oo la isku adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka ayna ka qayb qaadanayaan diyaaradaha khumaatiga u kaca ee Helicopterada ayaa ka soconaya qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada ah, kaasi oo u dhaxeeya xoogaga Shabaabka oo ay dagaal wadajir ah ku ekeeyeen hiirtii waaberi ee saaka ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dagaaladan oo geystey khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu jira ayaa xoogoodu waxay ka dhaceen deegaanada Heliwaa, Suuqa xoolaha iyo xerada Maslax ee duleedka Suuqa xoolaha halkaasi oo ay ku lahaayeen fariisimo xoogaga Shabaabka.

Warar dheeraad ah oo dagaalada ka soo baxaya ayaa sheegaya in dirirtii saaka dhul baaxad leh looga qabsadey xoogaga Shabaabka iyadoo lala wareegay xeradii Maslax oo aheyd xarunta ugu weyn ee ay saldhiga ku lahaayeen.

Wariyeyaasha SBC ee ka waramaya jidda hore ee dagaalka ayaa soo sheegaya in dagaaladan ay qayb ka yihiin laba diyaaradaha khumaatiga u kaca kuwaasi oo taageero dhanka ciidamada siinaya ciidamada AMISOM, iyadoo diyaaradahaasi ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ku leeyihiin saldhiga ugu weyn ciidamadaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaaladan kala soco SBC sida uggu deg degsan insha ALAAH.