Maxkamadeenta wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka Masar oo maanta dib u bilaabanaysa

Cairo:- Waxaa maanta markale maxakamad la hor keeni doonaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Masar niinka lagu magacaabo Xabiib Al-caadili iyo lix kamid ahaa gacan yarashiisa oo lagu eedeenayo dilka dibadbaayaal xilli ay socoto dhacdooyinkii kacaankii 25 Janaayo dalka Masar.

Fadhiga maxkamadda wasiirkii hore arrimaha gudaha ayaa waxaa si toos ah looga baahin doonaa Televison-ka qaranka dalka Masar.

Talaabada sida tooska ah looga sii doono fadhiyada maxkamadeenta ayaa ku timid dalab uga yimid golaha sare shacabka Masar si ay ula socdaan si hufan maxkamadeenta mas’uuliyiintii ugu sareysay maamulkii hore ee madaxweyne Xusni Mubaarak.

Ibraahiim Basyuuni oo kamid ah qareenada u doodaya shacabka doonaya in la maxkamadeeyo Alcaadili ayaa bishii April ee la soo dhaafay qaadiga ka codsaday in TV-yada loo ogolaado in ay baahiyaan wasiirkii hore oo ku dhex jira goobta dambiilayaasha ee maxkamadda misana xiran dharka caanka ku ah maxaabiista .

Dibadbaxayaasha kacdoonka dalka masar ayaa dalbanaya in la xukumo xabiib Alcadili islamarkaana hantida uu lunsaday dib loogu soo celiyo shacabka.

Xabiib Alcaadili waxaa lagu heystaa amar uu bixiyay xiligii ay bilaabanayeen kacdoonkii 25 kii January ee xilka looga tuuray mubarak isagoo ciidamada dalkaas ku amray in ay rasaas ku furaan dadka dibadbaxa sameynayay.

Ciidamada Mexico  oo howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyey xarumaha kooxaha daroogada ka ganacsada

Maamulka Mexico ayaa sheegay in howlo kadhan ah tahriibta daroogada lagu soo qabqabtay inkabdan kun qof magaalada Siyoo Daad Khawaariis oo ah hoyga  kooxaha Ganags-ka ee tahriibiya daroogada.

Booliska Mexico ayaa sheegay in ay badbaadiyeey gabdho da’doodu ka yar tahay 20 jir, kuwaasi oo looga faa’ideysanayey ka gancasiga jirkooda.

Maamulka Mexico ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyeen tobanaan baarar iyo hoteelo iyagoo raadinaya maxaabiis ka baxsaday xabsiyada iyo kuwo la tuhunsan yahay in ay kulugu leeyihiin ka ganacasiga daroogada.

Magaalada Siyoo daad Khawaariis oo ku taala xadka uu la wadaago dalka Mexico dalka mareykanka ayaa la’aaminsan yahay in ay ka mid tahay meelaha ugu badan ay kadhacaan falalka foosha xun dalka Mexico.

Sanaddii 2010 ayaa waxaa ka dhacay magaaladan inkabadan saddex kun oo kiis oo dil ah, taasi oo ka dhigayso magaalada ugu bdan ee dalka Mexico falalka dambiyada dilka ay kadhacaan.

Mexico ayaa noqotay wadanka ugu badan ee ay Kooxaha Mukhaadaraadka ganacsigooda daroogada ku fuliyaan,iyadoona xarun weyn u noqotay daroogada la isaga gudbiyo Laatiin Ameerica iyo Maraykanka.

Awooda ay Kooxaha Gangs-ku ku leeyihiin Mexico waxaa ay keentay in ay dilaan Masuuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowlada Mexico,iyadoona booliska Federalka Mexico ay noqdeen kuwo ugu nugul weerarada ay Kooxahaasi qaadaan.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC international Monitoring