Raisul wadaarihii hore ee Britain oo sheegay in Al qacida wali khatar kutahay caalamka

Raiusl wasaarihii hore ee Britain Tonny Blair ayaa ka hadlay ururka al qacida, iyadoo ay soo dhowdahay xuska 11 september oo ahayd xiligii dhulka lala simay daarihii mataanaha ahaa ee dalka maraykanka .

Blair ayaa sheegay inkastoo la dilay hogaamiyihii al qaacida hadana wali al qaacida ay awood ku leeyihiin caalamka kuwaas oo uu sheegay in ay had iyo jeer isku dayaan in ay sameeyaan weeraro argagixiso.

Blair oo goob fagaara ah kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in dilkii Bin laden ay dhabar jab wayn ku tahay ururka alqaacida, maadaama ay waayeen xubin sare oo ka tirsanayd ururkooda lkn waxa uusan meesha ka saaein in ay  mudan tahay la muujiyo feejignaan ku aadan ururka alqaacida iyo waxyeelada ay gaysan karaan .

Blair ayaa isagoo hadalkiisa siiwata yiri” waan la dagaalanay alqaacida waana burbirinay awoodoodii hada malahan xoog alqacida, waxaan dilnay hogaamiyaadhoodii intii harrayna waxay hada ku jiraan xabsiyo marka taasi waa guul ayuu yiri blair raisul wasaarihii hore ee Britain .

Raisul wasariihii hore ee Britain waxay xiriir sokeeye ay la haayeen madaxweynihii hore ee dalka maraykanka kuwaas oo ciidaamo u diray dalka Afghanistan sanadii 2011 si loo soo qabto masuuliyiin ka tirsanaa alqaacida oo ls heegay in ay ku dhuumanayaan buuraha Afghanistan .

Dhul gariir xoogan oo ruxay Island

Dhul gariir xoogan oo khasaare sababay ayaa ku dhuftay Vancouver oo ka tirsan  Island sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo laga helayo Island .

Cabirka dhul gariirkan ayaa lagu sheegay in uu ahaa  6.4 heerka dhul gariirku waxaana saaka goor horaba laga carararay deegaano farabadan oo ka agdhawaa goobaha uu ku dhuftay dhul gariirku , goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in dhul gariirku uu ahaa mid aad u xoogan  saamayn wayna gaystay .

Dhul gariirka ayaa saacadii jaraya 23 km waxana dad goob joogayaal ah ay soo sheegayaan in ay arkayeen daaro dhaahdheer oo kuyaal Vancouver oo soo daadanayay iyadoo ilaa iminka la soo sheegayo in ay jiraan khasaarooyin uu gaystsay dhul gariirkaassi .

Deegaanka uu ku dhiftay dhul gariirku waxay aad isugu dhawyihiin deegaanka la yiraahdo Port Hardy halkaas oo la sheegay in ay ku noolyihiin dad gaaraya 5,000 oo qofood laakiin wali lama sheegin wax khasaare ah oo ay u gauysatay duufaantu deegaankaasi .

Duufaanta ayaa qiyaas ahaan 200 km waxay I jirtaa Washingron waxana laga cabsi qabaa in duudaantaas ku dhifatay island ay saamayn ku yeelato Washington in klstoo aysan wali jron wax war ah oo ka soo baxay washingron oo ku aadan duufaantan .

Kacdoon wadayaal masaari ah oo burburiyay safaaradii Israel ee Qaahira

Banaax baxayaal caraysan ayaa weerar xoog leh  ku qaaday safaarada Israel ay ku lrrdahay  caasimada masar ee qaahira waxayna mudaharadayashu ay gudaha u galeen xarunta safaarada, iyadoo xili dambe ay  boolisku  soo gaareen goobta uu ka shacay qalalaasuhu .

Booliska ayaa markii ay soo gaareen goobta  waxay dadkii kacdoonka waday u adeegsadeen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay ukala cayriyaan, uyadoo kacdoon wadayaashu ay walxaha qarxa ay ku tiirayeen gawaari ay lahayd safaadaru ii yiilay albaabka hore ee xarunta .

Safiirkii Israel u fadhiyay Masar ayaa la soo sheegayaa in uu guud ahaan  ka baxsaday goobta, iyadoo aan la ogayn ilaa iyo hada halka uu u cararary sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka agdhaw safaarada Israel ee Masar

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa si wayn uga carooday talaabadan lagula kacay sadiirkii Israel ee Masar waxana uu sheegay in arintaasi ay tahay arin qaldan oo aan loo baahnayn , waxana isla markii safaarada la weeraray Israel ay gar gaar deg deg ah ay waydiisatay xukuumada maraykan laakiin Obama ayaa sheegay oo kali ah in uu caro ka muujiyay dalkaas dhacay .

Boqolaal mudaharaadayaal ah ayaa wali safan irida hore ee safaarada kuwaas oo ilaa iyo iminka sheegay in aysan ka tageyn safaarada ilaa guud ahaan ay dhulka lasimaan .

Bnaan baxyashaa ayaa la sheegay in markii ay gudaha u galeen safaarada ay faaqideen documents uu kacararay safiirkii waxana la arkayay waraaqo badan oo ah documents oo laga soo yaacinayay daaqadaha safaarada iyadoo mudaharadayasha laga dareemayay xanaaq iyo caro ay u qabaan Israel iyagoo aad uga xun joogitaan Israel ee Masar .

Arday dalxiis ahayd oo shil  ugu geeriyiitay  Chinaha

Arday dalxiisayaal ahayd oo dalxiis ugu socday dalka chinaha gobolka kamid ah ayaa khasaare nafeed soo gaaray waxana lagu soo waramayaa in ku dhawaad 11 arday dhinteen halka 3dex arday oo kalana uu dhaawac soo gaaray .

Ardaydan oo ahaa kuwo ku dalxiisayay dooni nooca raaxada ah ayaa kula degray wabi ay ka gudbayeen sida ay soo sgeegayso wakaalada wararka ee Xinhua waxana isla markii goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliska si loo soo badbaadiyo ardayda inta ka hartay .

Wakaaladaha wararka ee chinaha ayaa soo sheegaya in arday kale doonida laga soo badbaadiyay kuwaas oo bad qabba waxana wabiga 250 u jiraa gobolka ardaydu dallxiiska ugu scideen oo layiraahdo Changsha.

Ilaa iyo iminka si toos ah looma xaqiijin sababka keentay shilka doonidan lkn mulkiilaha doonida ayaa meesha ka saarat guud ahaan in aysan jirin wax cila ah oo ay lahayd doonidu.

Dhawaan ayay ahayd markii dooni noocan oo kala ah ay ku dagray wabigaas taasi oo waday dalxiisayaal waxana doonidaas ku geeriyooday 23 qofood iyadoo dad kalana laga soo badbaadiyay .

Boqolaal qofood oo lagu layahay xeebaha wadanka Zanzibar

Waxaa laga cabsi qabaa in guud ahaan la waayo boqolaal qofood oo saarnaa markab ku soo socday xeebaha Jasiirada Zanzibar kadib markii uu markabkaasi  ku dhacay buur wayn oo kutaal badda gudeheeda .

Warbaahinta Zanzibaar ayaa laga soo xiganayaa in markabkaasi au saaranyihiin ku dhawaad 300 oo qofood waxana laga cabsi qabaa in guud ahaan ay ku syganyihiin khatar oo ilaa iyo iminka aan laga hayn wax war ah oo ku saabsan xaalada dadka saaran marka iyo halka ay ku dambeeyeen .

Mid ah ka mid ah dadka saaran markabka ayaa soo sheegaya in markabku sidii uu u socday halmar la dareenay wax qabsaday markabka oo maraya bartamaha badda laakin isla markiiba shaqaalihii markabka ayaa sheegay in markabku uu ku dacay buur ilaa iyo iminkana ay xaaladu ay  tahay mid aad u halis ah .

Xukuumada zanzibaar ayaa sheegtay in ay hada wadaan gurmad balaarn oo ku aadan sidii loo samata bixin lahaa saska gaarayaa 300 oo qofood oo ilaa iyo iminka aan la sheegi Karin halka ay ku dambeeyeen iyo sida ay xaaladiidu tahay .

Dhaqaalaha dalka Japan oo hoos u dhac ku yimid

Dhaqaalaha dalka Japan ayaa la soo sheegayaa in 4tii  bilood ee u dambaysay laga dareemayay hoos u dhac marka la eego heerkii hore ee uu joogay dhaqaalaha wadanka Japan .

Khuburada xaga dhaqaalaha ee japan ayaa horey u saadalinayay in dhaqaaluhu uu noqon doono mid sii kordhana lkn saadaasha ayaan nqoon sidii horey loo sii dheegay .

Sababaha keenay hoos u dhaca dhaqaalaha Japan ayaa la sheegay in ay qayb kayihiin sharikadaha wax soo saarka ee dalkaasi oo wax wayn ka badalay xadiga wax soo soosaarkoodii iyagoo u sababaynaya kor u kac ku yimod lacagta yen ka oo dalkaas si wayn lppga isticmaalo .

Sababaha kale ee keentay dhaqaala yarida dalka Japan ayaa lagu sheegay dhul gariirkii dhawaan ku dhiftay xeebaha dalka japan oo ilaa iyo hada dhaaqaalaha dalkaas saamayn ku yeeshay oo uu ka soo kaban layahay .

Tan iyo markii dhul gariirku ku dhiftay dalka Japan iyo Sunaamodii ayaa sharikado wax soo saar oo aad u farabadan waxay hakad galiyeen wax soo saaekoodii iyadoo cabsi wayn kaqaba in ay markale soo laabato dhibaatada shul gariirka iyo sunaamiduba .

Wasiirka ganacsiga ee Japan ayaa sheegay in sanadii hore ay aad u badnayd maalgashiyada xaga sharikadaha iyagoo gaaray 7.8% lkn hada taas ay hoos u dhac balaaran ay ku timid raasi oo keentay in wax wayn uu iska badalo dhaqaalaha wadanka oo dhan .

Xasan Cabdi Faray Gentelman
SBC International Monitoring