Dalka Kenya ayaa waxaa wali ka socdo Doorashada Madaxweynaha dalka Kenya Gudoomiyaasha Gobolada Degmooyinka iyo Xildhibaanada.

ilaa iyo hadda waxaa doorashada Madaxweynaha ku horeeya Madaxweynaha iminka talada haya ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo Markale Loo Doortay Xildhibaanka Xaafada Kaama Kuuji.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Ayaa Markale Loo Doortay Xildhibaanka laga soo Doorto Xaafada Soomaalida ay ku badantahay ee La Yiraahdo Kaama Kuuji ee Magaalada Nairobi.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo markale guuleeystay.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa markale ku guuleeystay Xildhibaanka Gaarisa u matalaya dowlada Wadanka Kenya.

Xildhibaanada Aadan Barre Ducaale ayaa ka Guuleeystay Faarax Macalin .

Gabadhii ugu horeeyay oo ku soo baxday Doorashada Woqooyi bari Kenya.

Xildhibaanad Safiya Cabdi Nuur ayaa noqotay haweeneeydii ugu horeeysay ee ku guuleeysta doorashada Woqooyi bari wadanka Kenya.

Xildhibaanad Safiya ayaa tartan adag la gashay rag badan oo xilkaasi kula tartamayay inkastoo markii dambe ay kaga guuleeystay.

Rabshadaha Doorashada Wadanka Kenya.

Wali waxaa rabshado ay ka socdaan Gudaha wadanka Kenya kadib markii dad careeysan oo diidan doorashada ay dab qabadsiiyeen xarumo magaalooyinka waaweeyn ee Kenya.

Suuqa ugu weeyn Gaarisa ayaa maanta dab la qabadsiiyay Dad Careeysan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

SBC International