Dadweynaha Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, ayaga oo dooranaya madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Illaa saddex musharax ayaa ku tartameysa doorashada maanta dhaceysa, waxaana ay kala yihiin Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa waxa uu matalayaa maamulka iminka talada haya ee Kulmiye, ayada oo Cabdiraxmaan Cirro uu ka socdo xisbiga Waddani, halka Faysal Cali Waraabe uu ka tirsan yahay xisbiga UCID.

Doorashada Somaliland, ayaa ka qabsoomeysa illaa Kun iyo lix boqol iyo laba iyo afartan (1,642) goobood oo ku kala yaalla gobollada Somaliland.

Musharraxa xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxman Cirro, ayaa codkiisa ka dhiibtay xarrunta Hay’adda shaqaalaha dowladda ee magaalada Hargeysa.

Doorashada maanta ka socota Somaliland waxaa codkooda ka dhiibanaya in ka badan 704 kun oo qof oo u diiwaangashan guddiga doorashada.

Waxaana doorashada ka hawl-gelaya in ka badan 18,000 oo isugu jira shaqaalaha guddiga doorashada iyo hawl-wadeenada goobta codbixinta.

Qeybo ka mid ah gobolka Sanaag oo lagu waday in ay ka dhacdo codeynta doorashada Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa “in aysan u qabsoomin sidii la qorsheeyay ka dib dibadbaxyo halkaas ka dhacay,” sida ay sheegeen dad ku nool gobolkaas.

Magaalada Hadaaftimo ayaa la sheegay in ay ka dheceen “dibadbaxyo ka dhan ah Somaliland”.

Balse, guddoomiyaha gobolka Sanaag u qaabilsan Somaliland, Axmed Cabdi Fly, ayaa sheegay in “banaanbax uusan ka dhicin Hadaaftimo oo codbixintu ay si caadi ah uga socoto.”

Musharaxa Xisbiga U Cid Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Aragtidiisa sidey wax u socdaan, iyo Baaq uu u diray Shacabka Soomaaliland,

Saddexda musharax ee codbixinta ku loolamaya ayaan la saadaalin karin cidda guuleysaneysa, ayada oo aysan jirin ra’yi uruurin dadweyne oo la sameeyey ka hor doorashada oo laga tusaale qaadan karo.