Warar hor dhac ah ayaa ka soo baxaya kulan alabaada u xiran yahay oo ay wada yeesheen dhinacyada masuuliyiinta ka qeyb galaya wajiga labaad ee Shirka wada tashiga Soomaalida ee ka soconaya magaalada Garoowe.

qeybaha kala gedisan ee Warbaahinta ayaa banaan joog ka ahayd kulankaasi waxaana mudo ay shirsanaayeen ka dib soo baxaya warar sheegaya in la isku afgartay waxyaabihii laga wada hadlay iyadoon weli loo soo bandhigin saxaafada loona faah faahin saxiixyada ka kala qaatay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in saxaafada ay isaga dareertay meesha loona sheegay in dib looga yeeridoono kulan saxaafadeed lagu shaacinayo waxyabihii ka soo baxaya Shirka labaad ee Wadatashiga oo lagu waday in uu maanta soo afmeermo.

Waxii warar ee ku soo kordha kala socowararka dambe.