Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxay isku dil ee caawa lala damcay in lagu qaarijiyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Maxamed Jaamac Yuusuf kaasi oo gaarigii uu saarnaa lagula eegtey magaalada Gaalkacyo qarax wadada dhinaceeda la dhigay.

Weerarkan qarax oo burburiyey gaarigii uu saarnaa Gudoomiyaha hase yeeshee weerarkaasi aanay waxba ka soo gaarin, waxaase la sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawac ka soo gaarey qaraxaasi bam.

Qaraxan miino oo ahaa mid aad u culus ayaa ka dhacay agagaaraha xaruntii hore ee shirkada Galcom ee xaafada Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo qaraxaasi si weyn looga maqley guud ahaan magaalada isla markaana ay argagax ka qaadeen dadka degmada.

Gudoomiyaha oo saxaafada la hadley qaraxaasi ka dib ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka badbaadey wuxuuna sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan cida ka dambeysay weerarka isagoo sheegay inaanu dooneyn in uu ka hordhaco baaritaankaasi.

Qaraxan lagu doonayey in lagu qaarajiyo Gudoomiyaha ayaa ku soo aadayaa iyadoo todobaadkan lagu diley waqooyiga magaalada Gaalkacyo xildhibaan Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Xaaji (Koodhaa) oo ka mid ahaa xildhibaanada bnaarlamanka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay wehel u aheyd dilal qorsheysan oo ka dhan saraakiisha, odayaasha, culuma’udiinka, masuuliyiinta maamulka Puntland & waliba ganacsatada.

Deeqo Nuur Faarax (Bilan)
deeqobilan1@hotmail.com