Gaalkacyo- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xaley ka dhacey waqooyiga magaalad Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sarkaal sare oo ka tirsanaa qunsilada Itoobiya ay ku leedahay Puntland xafiiskeeda magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jirey Mukhtaar Shiikh Cali waxaa dilay kooxo hubaysan xili marxuumku uu ku sugnaa Biibito waxaana uu ku geeriyoodey isla goobtii, sida ay SBC u xaqiijiyeen goobjoogayaal codsadey inaan magacooda saxaafada laga sheegin.

Ka hor intii aanu ku soo biirin xafiiska Qunsilada Itoobiya ee magaalada Gaalkacyo Sarkaalkan wuxuu ahaa Gudoomiyihii deegnaanka Galaadi ee dhulka Soomaalida ee Itoobiya maamusho.

Marxuumka ayaa saaka waxaa lagu aasay qabuuraha Cir Jiife ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ,iyadoo aaskiisa ay ka qayb galey xubno ka tirsan maamulkii dhawaan la magaacabay ee amaanka Gobolka Mudug & dadweyne kale.

SBC News Desk