Wararka ka imaanaya degmada Ufeyn ee gobolka Bari ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay saaka dil ka geysteen deegaanka Kob-Dhexaad oo hoos taga degmada Ufeyn, weerarkaasi ayaa la xaqiijyey inay ku dhinteen afar qof, halka qof kale uu dhaawac ka soo gaarey weerarkaasi.

Dilkan oo dhacay saaka waaberigii ayaa dadka deegaanku waxay sheegeen inay geysteen dableyd ka koobenyd 6 qof oo ku hubaysnaa qoryaha AK 47, waxaana ay ka baxsadeen halkaasi ka dib markii ay dilkaasi fuliyeen.

Biyood Ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka oo ay SBC la xiriirtey ayaa sheegtey in dadka la dilay ay ka soo baxeen masjid, isla markaana kadinka hore ee masjidka lagu laayey, iyadoo sidoo kale haweenay ku sugneyd agagaaraha Masjidka uu dhaawac ka soo gaarey tacshiiradaasi.

Dilkan ayaa la xaqiijiyey in uu yahay fal aano qabiil ah oo salka ku haya dilal mudooyinka ka dhex aloosnaa beelo deegaankaasi wada dega, kuwaasi oo dhawr jeer heshiisyo la dhexdhigay, balse heshiisyadaasi aan la ogeyn ujeedada ay u hirgali la’yihiin.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan dilkan saaka ka dhacay deegaanka Kob-dhexaad ee ka tirsan gobolka Bari, iyadoo dilkan uu ku soo aadayoo iyadoo maalinimadii shaley laba qof lagu diley magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

SBC News Desk