Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Cali Maxamed Waran Cadde Ayaa Maanta Shir jiraa’id ku qabtay Maanta Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Maamulkaasi.

Waran Cadde ayaa sheegay in Qaxootiga ka soo Cararaya Dalka Yemen ee Soomalaida ah aysan imaan karin waxii ka danbeeya maanta oo Axad ah 24- May Degaanada Maamulka Soomaaliland.

Cali Maxamed Waran Cadde ayaa Sababta ku sheegay in Hay’addaha QM iyo Soomalailand ay ku balameeyn in Qaxootigaasi Soomaaliland ay siiso Dhul lagu soo dhaweeyo waxii Quudin ahna ay Hay’addahaasi bixiyaan.

Waran Cadde ayaa intaa ku daray in Hay’addaha UN-ka ay Arrintaasi diideen sida uu hadalka u dhigay Soomaalilandna ay Go’aansatay Joojinta Qaxootiga maadaama uu Xusay in aysan Dhaqaalo u hayn iyagu.

Magaalada Berbera ayaa maanta waxaa ka soo degtay Doon siday Qaxooti gaaraya 250 Ruux oo ka soo cararay Dalka Yemen,waxaana Soomaaliland ay sheegtay in ay tahay Doontii ugu danbeysay ee Degaanada Soomaaliland keenta Qaxootiga Yemen ka soo Cararaya.

Hoos ka dhageyso codkiisa: