Sida ay ku soo  baxyaan wararka laga helayo magalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose rasaas aan la garan karin cida ay u dhaxeyso ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada.

Rasaastan ayaa u dhaceysa si isweydaarsi ah waxaana wariye yaasheyada ku sugan Kismaayo nasoo gaarsiinayaan in ay tahay mid sii siyaadeysta waqtiba waqtiga ka dambeeya.

 Dhinaca kale waxaa maanta gudaha Magaalada Kismaayo lagu dhaawacay Yaasiin Nuur Gaas Raader oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore Maamulkii KMG ahaa ee Magaalada Kismaayo .

Rag ku hubeysan Hubka noocyadiisa fud fudud islamarkaana ay u tiilay jidgooyo xaafad ka mid ah Kismaayo ayaa la sheegay in ay rasaasta Huwiyeen Masuulkan iyo ilaaladii la socotay ayna xabadi haleeshay Mr Raadeer.

Waxaa soo gaaray dhaawac sida wararku sheegayaan halis ah kaa soo keenay in la dhigo isbital Militeri oo ay ciidamada Amisom ku leeyihin gudaha magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale maanta laga maqlay Magaalada Kismaayo qarax, kaas oo lala eegytay gaadiid ciidan waday oo ka tirsan Ciidanka Kenya ee Amisom .

Qaraxaasi waxa uu galaabtay gaariga ciidan inkastoo ay beeniyeen saraakiil ka tirsan Amisom khasaare nafeed in uu ka dhashay.

Wararka qaar ee la helayo waxa ay sheegayaan in ciidankii saarnaa gaariga lala eegtay qaraxa qaarkood uu soo gaaray dhaawacyo halis ah .

Wararka kismaayo waxii ku soo kordha kala soco wararka xiga.