Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa caawa maqribkii waqtiga Bariga Afrika waxaa lagu diley magaalada Mqudisho ee caasimada wadanka.

Xildhibaankan oo lagu magacaabi jirey Khlifaa Jire Warfaa ayaa lagu diley degmada Xamarweyne,w axanaa la diley isagoo ka soo baxay Masjidka Marwaas siina galayey Hotel ku dhaw masjidka oo uu deganaa.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in xildhibaanka inay toogteen kooxo ku hubaysnaa basatoolado kuwaasi oo baxsadey markii ay dilka u geysteen xildhibaanka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay talsika ciidamada Booliiska & madaxda dawlada KMG oo ku aadan dilka xildhibaanka.

Axmed Aar
SBC Muqdisho