Qaraxyo iyo israsaaseyn ba’an ayaa xiligan ka aloosan magaalada Muqdisho gaar ahaan fariisin ay degan yihiin ciidamada AMISOM oo ay ku wehlliyana kuwa dawlada KMG Soomaaliya, fariisinkaasi oo ku yaal dhismaha xero Jarmal ee ku yaal jidka warshadaha agagaaraha garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho.

Warar SBC ka heshay ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo la aamisan yahay inay ka mid yihiin xarakada AL-Shabaab ay dagaal ku qaadeen saldhigaasi, isla markaana ay xoog ku galeen goobtaasi iyagoo ka geystey qaraxyo  khasaare geystey inkastoo wali aan la cadeyn khasaaraha dhimashada & dhaawaca.

Qof ka gaabsadey in magaciisa saxaafada laga sheego sababo dhanka amaanka ah oo ku sugan degmada Xamar Jadiid ayaa u sheegay SBC in koox hubaysan ay darbiyada ka boodeen kuwaasi oo rasaas ooda uga qaaday goobtaasi isla markaana isqarxin ay geysteen.

Docda kalena afhayeenka ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxo hubaysan ay isku dayeen inay gudaha u soo galaan saldhig ay ku leeyahay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegtey inay ka celiyaan kooxahaasi inay gudaha u soo galaan saldhigaasi.

Warar faahfaahsan kala soco SBC Online daqiiqad kasta.

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com