Volcano-da ka kacdey wadanka Eritrea ayaa la xaqiijiyey inay ka sii darayso iyadoo gabi ahaanba ay saameysay duulimaadyadii diyaaradaha ee wadamada Bariga Afrika.

Qaar ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah ayaa sheegay inay joojiyeen inay u safraan wadamada Eritrea, Sudan, Djibouti and Ethiopia.

Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya warqabadka SBC ayaa sheegaya in volcadu ay haatan ku sii jeedo wadamada Sacuudiga & Isra’il.

Sidoo kale wadamada Masar & Suudaan ayaa la sheegay inay soo gaartey daruuraha uurada ah ee ka dhacay qaraxa volcano-da ka kacdey wadanka Eritrea.

Shirkada diyaaradaha Lufthansa ee laga leeyahay wadanka Jarmalka ayaa sheegtey inay gabi ahaanba hakisay duulimaadkii diyaaradeed ee dalalka Eritrea & Itoobiya, sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ee Kenya Airways, Emirates ayaa iyaguna sheegay inay hakiyeen khadadkii duulimaad ee Jibuuti, Eritrea & Itoobiya.

Volconada oo la magac baxdey Dubbi Volcano ayaa 13 KM cirka u gashay waxaana qiiq aad u badan ay ku sii daysay hawada, iyadoo sawirada dhanka Satellite-ka ay muujinayaan uurada ama qiiqa oo hawada si weyn isagu sii balaarinaya.

Xoghayaha amuurahada dibada Mareykanka Hilary Clinton ayaa soo gaabisay socdaal ay ku mareysay qaarada Afrika, iyadoo arintan u sameysya inay saameyn ku yeelato Volcano-ha Eritera.

Fartuun Cali Axmed
SBC International Jibuuti