Taliyihii ciidamada Booliiska Somaliland Jeneral Maxamed Saqadhi Dubad ayaa ku geeriyoodey magaalada Dubai ee dalka Isu tagga Imaarkaadka Carabta halkaasi oo maalmihii u dambeeyey uu ku xanuunsanaa.

Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad ayaa loo cararay dhawaan magaalada Dubai ka dib markii uu ku soo booday xanuun kadis ah, waxaana uu geeroyoodey habeenimadii xaley.

Maxamed Saqadhi Dubad ayaa kaalin weyn ku lahaa dib u dhiska ciidamada Booliiska iyo amaanka deegaanada ku magacaaban Somaliland, waxaana uu horey uga mid ahaa Booliiskii Soomaaliyeed xiligii dawladihii hore ee Soomaalida.

Maamulka Somaliland ayaa wada dadaal ku aadan sidii loogu soo qaadi lahaa magaalada Hargeysa meydka Marxuumka iyadoo lagu wado in lagu aaso qabuuraha magaalada Hargeysa sida ay SBC u xaqiijiyeen ilo wareed oo ku dhaw xarunta madaxtooyada Somaliland.

Hayaan Faarax
SBC Hargeysa