Kulankii ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ee looga hadley xaalada Soomaaliya ay ka qayb galeen wafuud ka socotey dawlada FKMG ah iyo maamulada dalka ayaa goor dhaweyd la soo gabagabeeyey iyadoo laga soo saarey qodobo dhawr ah.

Kulankan ayaa waxaa qodobada ka soo baxay ka mid ahaa

1: In la joojiyo khilaafka ka dhex aloosan madaxda Dawlada FKMG ah ee Soomaaliya.

2: In la ilaaliyo dastuurka qaranka, isla markaana lagu dhaqmo sharuucda axdi qarameed ee dalka u degsan.

3:In bisha June shirka lagu qabanayo magaalada Muqdisho lagu go’aamiyo hanaan siyaasadeed oo dalku ku socon karo, isla markaana shirkaasi uu hago xafiiska arimaha siyaasada u qaabilsan ee Qaramada Midoobay, wixii ka soo baxa shirkaasina uu wakiilka qaramada Midoobay ee Soomalaiya uu dib ugula laabto natiijadaasi golaha amaanka ee qaramada Midoobay.

Warkan oo faahfaahsan iyo sawirada shirka kala soco SBC Online.