Saif Al-Islam oo ah wiil uu dhaley Col. Qadaafi oo ay sheegeen xoogaga mucaaradka inay ku qabteen magaalada Tripoli ayaa goor dhaweyd beeniyey in uu gacanta ugu jiro mucaaradka waxaana wareysi uu siiyey wakaaladaha wararka sida AFP isagoo sidoo kale wareysi gaar ah siiyey Telefishinka BBC-da.

Saif Al-Islam oo aanay ka qasneyn ayaa ka soo muuqdey Telefishinada waxaana uu sheegay in dagaalkii ay ku soo qaadeen xoogaga mucaaradka magaalada caasimada ah ay ku jabiyeen oo ay araxda ka go’een sida uu sheegey kooxihii mucaaradka waxaana farta uu ku fiiqay in hada magaalada laga sifeynayo kooxahaasi.

Saif Al-Islam wuxuu sheegay in Aabihiis hogaamiyaha Liibiya Col. Qadaafi uu bad qabo oo uu ku sugan yahay magaalada caasimada ah isla markaana aanu meel uga bixin.

Warkan oo faahfaahsan sawiro, Muuqaalo & warbixinadii ugu dambeeyey ee Liibiya kala soco SBC daqiiqad daqiiqad refresh ama F5 dheh webka SBC horyaalka wararka caalamka & Soomaaliya.