Dilal loo geystey sadex qof oo rayid ah oo mid ka mid uu ahaa ganacsade caan ka ah gobolka ayaa caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilalkan ayaa kii ugu horeeyey waxaa lagu diley Ganacsade Siciid Shire Walbaq oo ka mid ah ganacsatada caanka ah ee gobolka Bari iyadoo wararku sheegayaan in la dilay isagoo ka soo baxayey masjid uu ku tukuday marxuumku salaadii maqrib.

Mudo ka dib ayaa laba nin oo kale oo rayid ahaa ayaa lagu diley magaalada Boosaso lama ogona sababaha dilalkan iyo in ay xiriir leeyihiin dilalkan caawa ka dhacay magaalada Boosaaso.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo haatan ka soo baxay maamulka Gobolka & kan sare oo la xiriira dilalkan caawa ka dhacay Boosaaso, waxaase dilalkan ay ku soo aadayaan iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey magaaalda ay taagnaayeen falal amaan xumo oo lagu beegsanayey dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo waliba dadka bulshada ka dhex muuqda.

Ciidamada amaanka ayaa wada hawlgalo amaanka la xiriira oo dilka dhacay ka dib, waxaana la arkayaa ciidamo dhex soconaya wadooyinka magaalada.

Warar dheeraad ah kala soco SBC Online.