Ra’isalwasaaraha DKMG Soomaaliya Dr. Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaweyd soo saarey liiska xubnaha golaha wasiirada, waxaana wasiirada magacaabistooda aan loo qaban wax xaflad ah balse ku soo baxdey wareegto ka soo baxdey xafiiska Ra’isalwasaaraha.

Wasiirada cusub ayaa dhamaantood ah kuwa cusub, iyadoo meesha ay ka wada baxeen dhamaan golihii wasiirada xukuumadii Farmaajo taasi oo la sheegay inay aheyd muran mudo ka dhex aloosnaa Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka, iyadoo lagu xaliyey murankaasi in meesha ay ka wada baxaan xubnaha golihii wasiirada xukuumadii Farmaajo taasi oo aheyd arin uu aad ugu dhagenaa Gudoomiyaha Baarlamanka.

Hadaba hoos ka akhriso magacyada wasiirada la magaacaabay oo SBC heshay nuqul ka mid ah wareegtada magacaabista.

Halkan ka aqriso Magacyada 18-ka Golaha Wasiirada cusub

1-Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille)=Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta
2-Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda
3- Xuseen Carab Ciise============ Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka  Gaashaandhigga
4-Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif  Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha
5- Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka
6- Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle=========Wasiirka Maaliyadda & Lacagta
7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil=============Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska
8-Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur======= Wasiirka  Beeraha & Xannaanada Xoolaha
9- Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf=============Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
10- Cabdulqaadir Maxamed Axmed ==========   Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta
11-  Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal========Wasiirka Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga
12-Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim===========  Wasiirka  Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda
13-  Aadan Cabdullaahi Aadan=============== Wasiirka Gaadiidk Cirka, Dhulka, Badda & Dekadaha
14- Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ===========Wasiirka Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta
15-  Jaylaani Nuur Iikar Wasiirka ==============Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska
16- Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow ===========Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka
17- Prof. Axmed Caydiid Ibraahim=============Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.
18- Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka==========Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga

Axmed Aar
SBC Muqdisho