ALLAHA u naxariistee Nabadoon Gaboobe Aadan Dalab oo ka mid ahaa Nabadoonada & Waxgaradka gobolka Mudug ayaa caawa lagu diley magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug sida ay SBC u xaqiijiyeen eheladiisa.

Marxuumka ayaa kooxo ku hubaysnaa baastooladu waxay ku dileen xaafada Is-raac ee waqooyiga Magaalada Gaalkacy, iyado kooxdii dilka geystey ay ka baxsadeen goobtaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa dhaawac ahaan goobtii lagu rasaaseeyey looga qaaday, waxaana loola cararay Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee wuxuu geeriyoodey intii jidka lagu sii jirey.

Magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay ka soo raynaysay amaanka gaar ahaan dilalkii joogtada uga dhici jirey, iyadoo ay tani u muuqanayso in wali amaanka magaalada ay saaran tahay calaamad su’aal.

Dilka Nabadoonka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmo ka hor magaalada ay ka dhaceen dibadbaxyo ay dhigeen dad careysan oo ka soo horjeeday xarig magaalada Garoowe maamulka Puntland ugu geystey Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug.

SBC News Desk