Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatey sadex kalena dhaawac ayaa ka soo gaarey ka dib markii israsaaseyn dhimasho & dhaawac sababtey ay dhexmartey ilaalada Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed & kuwa Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Iska horimaadkan ayaa ka dhacay kadinka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaana la sheegay in uu ka dhashay ka dib markii sarkaal ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha Baarlamanka uu ka biyo diidey in lagu baaro albaabka madaxtooyada oo uu u socdey in uu galo, hase yeeshee ilaalada madaxtooyada ayaa u sheegay sarkaalkaasi inaanu gudaha u gudbi doonin ilaa la baaro, waxaana sarkaalku uu u gacan qaaday askarigii isku dayey in uu baaro taasi oo keentey in sarkaalka ay qabtaan ciidamada Madaxtooyada ka dibna ay xabsi dhigaan.

Qof ku suganaa xarunta madaxtooyada oo diidey in magaciiisa saxaafada laga sheego sababo xasaasiyada warkani uu leeyahay ayaa u sheegay SBC in markii la xiray sarkaalka ka mid ah ilaalada gudoomiyaha baarlamanka ay halkaasi yimaadeen ciidamo ka tirsan ilaada Shariif Xasan iyagoo sheegay in hadii aan deg deg lagu soo deyn sarkalkaasi ay taasi ka dhalan doonto cawaaqib xun, laakiin arinkaasi waxaa ka gaws adeygey ilaalada madaxtooyada waxaana halkasi ka bilaabatey israsaaseyn mudo socotey oo natiijadeedii noqoto dhimasho & dhaawac.

Iska horimaadkan ayaa ku soo aadayaa xili xaalad cakiran oo qir qir ah ay ka taagan tahay xarunta madaxtooyada iyadoo Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamanka & Ra’isalwasaaruhu isku mari la’yihiin soo dhisimada golaha wasiirada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda dawlada KMG ah oo ku aadan iska horimaadkan dhexmarey maanta ilaalada labada masuul ee ugu sareysay dawlada KMG ee khilaafka & tabar la’aantu haysato.

Axmed Aar
SBC Muqdisho