Bayaan ku aadan waxyaabihii ka soo baxay kulankii kooxda xiriirka caalamiga ah ay ku yeesheen magaalada Kampala ee looga hadlayey arimaha Soomaaliya ayaa goor dhaweyd nuqul ka mid ah oo ay SBC heshay ka hor intii aan si buuxda loo qaybin wuxuu qeexayaa in mudo hal sano ah lagu kordhiyo jiritaanka hay’adaha dawlada FKMG ah ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa waxaa lagu cadeeyey in mudo 12 bilood gudahood ah oo ku eg bisha August 2012-ka la qabto doorashada madaxda hay’adaha dawlada KMG ah, balse waxaa lagu xusey qodobkaasi hadii ay aanay jirin caqabado ama wax ku gudboon qabashada doorasho.

Bayaanka waxaa kaloo lagu cadeeyey in madaxda hay’adaha dawlada KMG ah ay isla ogaaladeen qodobada ku xusan bayaankan, iyadoo sidoo kale bayaanka lagu taageerey hawlgalka ciidamada AMISOM ee ka dhanka kooxda Al-Shabaab.

Bayaanka oo  dhameystiran oo tujuman ayaan idiin soo gudbin doonaa goor dhaw.

Keyse Caamir
SBC News Desk