Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in duqeymo xaga cirka ah in goor dhaweyd loo geystey dekada magaalada Kismaayo iyo waliba xerooyin ay leeyihiin xarakada Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay geysteen diyaarado dagaal oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn dalka laga leeyahay waxaase wararku intaasi ku darayaan inay jirto khasaare ay dhalisay diyaaradaha.

“Waxaan maqlay guux diyaarado dagaal iyo dhawaaqa madaafiic xoogan waxaana qiiq iyo uuro ay ka baxaysaa dhanka dekada magaalada Kismaayo, mase sheegi karo khasaaraha ka dhashay duqeynta” ayey tiri Barni Wardheere oo SBC ay la xiriirtey iyadoo sheegtey in cabsi iyo walwal uu la soo darsey dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Wixii warar ah ee ku soo kordha duqeyntan isha ku hay SBC Online.