Dagaal aad u culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo uu ka mid yahay dabaabadka dagaalka ayaa goor dhaweyd ka qarxay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid & Wardhiigley, iyadoo dagaalkan uu la xiriiro dagaaladii cuslaa ee shaley & xaley ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa la soo sheegayaa in uu ka socdo Isgoysyada Jeneral Daa’uud & Cali Kamiin waxaana dagaalka uu u dhaxeeya xoogaga Al-Shabaab & ciidamada dawlada KMG oo taageero ka helay kuwa AMISOM.

Dagaaladan ayaa la soo sheegayaa in ciidamada dawlada & kuwa AMISOM ku doonayaan inay ku qabsadaan Isbartiibada & xarunta xisbiga oo ah goobaha halbowlaha u ah dagaalada ay wadaan Shabaabka, waxaana madaafiic aad u xoogan oo ay ka mid yihiin BM-ka & Taangiga lagu garaacayaa xarunta xisbiga, xerayadii Cuuryaamiinta & Stadium Muqdisho.

Warar dheeraad ah kala soco SBC.