Dagaal aad u culus ayaa caawa ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimada ah kaasi oo bilowdey waxyar uun ka dib markii laguda galay afurkii salaada maqrib.

Dagaalkan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay qaadeen xoogaga Shabaabka kuwaasi oo dagaal aad u culus oo safmar ah ku ekeeyey fariisimada ciidamada dawlada KMG & kuwa AMISOM ee degmooyinka Boondheere, Hawlwadaag, Hodan, Wardhiigley & Shingaani.

Wariyeyaal ka tirsan SBC oo xiriiro kala duwan la sameeyey goobaha dirirtu ka socoto ayaa soo sheegaya in dagaalku uu ahaa mid aad u xoogan oo xoogaga Shabaabku si qaabeysan u soo qaadeen, waxaana ka mid ah fariisimada ay weereereen goobihii dhawaan laga qabsadey ee ku yaal degmooyinka kor kuxusan, waxaase dagaalka ugu weyn uu ka socdaa xaruntii wasaarada gaashandhiga & agagaaraha suuqa Bakaaraha.

Madaafiic aad u culus & dhawaaqa hubka darandooriga u dhaca ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho, iyadoo holaca rasaasta ifiinka bixisa laga arkayo guud ahaan hawada magaalada Muqdisho.

Warar faahfaahin oo ku saabsan dagaaladan kala soco SBC insha ALAAH.