Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalamaysa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey inay leeyihiin masuuliyada weerarkii qarax ee lagu qaarjiyey wasiirkii arimaha gudaha dawlada KMG ah Marxuum C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo galabta lagu diley isqarxin ah oo ka dhacay gurigiisa.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa u sheegay idaacad ku hadasha afka kooxdaasi inay iyagu abaabuleen weerarkaasi oo ku tilmaamay qofka fuliyey haweenay ka mid aheyd ciidamada Shabaabka, oo uu sheegay inay fulisey wax uu ugu yeeray weerar qorsheysan.

Weerarkan ayaa noqonayaa kii sadexaad oo ah weeraro xiririr ah oo ay geysanayaan dad isqarxinaya oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho mudo 8 maalmood ah, iyadoo laba weerar kuwan la mid ah bishan gudaheeda ka dhacay magaalada Muqdisho lagu bartilmaameystey ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

SBC News Desk