Wasiirka arimaha gudaha dawlada FKMG ah ee Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan ayaa ku dhaawacmey qarax goor dhaweyd lala beegsadey.

Qaraxa ayaa ka dhacay guriga wasiirka arimaha gudaha, waxaana la sheegay in dhaawac uu ka soo gaarey wasiirka lugta bidix, iyadoo loola cararey Isbitaal.

Warar horey u dhac ah oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaasi ay gaystey gabar ku sugneyd guriga wasiirka arimaha gudaha, gabadhaasi oo is qarxisey.

Warar dheeraad ah daqiiqad kasta SBC kala soco