Kooxaha shufto badeeda Soomaaliya ayaa saacado ka hor gacanta ku dhigay markab ganacsi oo laga leeyahay wadanka Singapore kaasi oo ay saaran yihiin 25 qof oo shaqaale ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada EUNAVFOR ee hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda ka wada xeebaha Soomaaliya & biyo badeedka caalamiga ah ee ku xeeran.

Markabkan oo lagu magacaabo  ayaa culeyskiisu dhan yahay 29,871 waxaana la xaqiijiyey in laga afduubay xeebaha wadanka Kenya.Wakaalada wararka Singapore u faafisa ayaa xaqiijisay in markabkan ay iska leedahay shirkada maraakiibta ee Glory Ship Management Pte Ltd, sida shirkadu ay sheegtey markabka waxaa la qafaashay sabtidii galinka dambe.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in  markabkan uu siday 28 kun oo metric tonnes of saliida qayriin ah isagoo ka soo ambabaxay wadanka Indonesia waxaana uu ku socdey dekada magaalada Mombasa ee wadanka Kenya.

“Muhiimadayadu waa bad qabka iyo badbaada shaqaalaha markabka saaran, tan iyo markii naloo xaqoojiyey weerarka afduubka maamulka waxay wadeen dadaalo & xusul duub ku aadan la socodka bad qabka shaqaalaha isla markaana xiriiro lala sameynayey qoysaska shaqaalaha oo u kala dhashay wadamo kala duwan” sidaasi waxaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka sare ee shirkada Glory ee markabka iska leh.

Warsaxaafadeedka shirkada waxaa kaloo lagu sheegay in maamulka shirkadu uu qaadi doono talaabo kasta oo lagu siideyn karo markabka iyo shaqaalaha saaran iyadoo xiriiro lala sameyn doono dawlada Singapore & xukuumadaha caalamiga ah ee lugta leh arinkan.

Shaqalaaha ayaa u kala dhashay 13 Indonesi u dhalatey, 4 Kuuriyaan ah, 3 Maynamar u dhalatey & 5 Shiinaha u dhalatey.