War deg deg ah : Qarax xoogan oo daqiiqado ka hor ka dhacay Maka almukarama Muqdisho

Qarax xoogan oo si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa caawa daqiiqado ka hor ka dhacay wadada maka almukarama ee magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ku dhow halka lagu magacaabo Tree Biyaano, lamana oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay inkastoo uu qaraxu ahaa mid xoogan.

Ciidamada Amaanka DKMG ah ayaa goobtaasi gaaray waxaana halkaasi ay ka sameynayaan Baaritaano xoogan oo ay ku damacsan yihiin in ay ku ogaadaan sida ay wax u dheceen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ay aheyd mid mashquul ah xiligan waxaana ku dow goobo badan oo ganacsi iyo Hotel lagu magacaabo Ambasitor .

Wixii faah faahin ah ee ku soo kordha qaraxa in khasaaraha ka dhashay kala soco wararka xiga

Daalacatey :571

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print