Wararka ka imanaya  xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi goor dhoweyd uu ka dhacay qarax xoogan oo siweyn looga maqlay xaafadaha magaaladaasi.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa loo maleynayaa in uu ahaa mid ismiidaamin waxaana uu ka dhacay goob laga shaaho oo ku taala bartamaha magaalada Dhuusamareeb halkaasi oo ay ku sugnaayeen xildhibaano iyo siyaasiyiin maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada.

Qaraxaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhashay.

Waxii warar ee ku soo kordha kala soco wararka dambe.