Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi laga maqlay qarax xoogan oo dhaliyay khasaare nafeed sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Waxay wararku intaasi ku darayaan in qaraxan uu ka dhacay goob xero qaxooti ah oo ku taala xaafada Garsoor ee Magaaladaasi,

Waxaa lala eegtay qaraxa goob ay xeradaasi ka fadhiyeen ciidan ilaalo ka ahaa sida wararku ay u dhigayaan dad goob jooga yaal ah oo la hadlay qaar ka mid ah qalabka warbaahinta.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in qaraxaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin khasaaraha inta uu la egyahay hadana waxaanu wararku ku heleyna in ku dhowaad 5 qof ay qaraxa ku geeriyoodeen.

Dhaawaca ayaa la sheegayaa in uu intaasi ka tirobadanyahay, Halka wararka qaarna ay sheegayaan in dhaawacyada ay ku jiraan saraakiil ka tirsan laamaha Amaanka gobolka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala socowararkayaga dambe.

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo