Wararka deg dega ah ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goor dhoweyd halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo siweyn looga maqlay qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Qaraxani ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan ka dhacay guri ku yaala dhanka Maamul goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo kaas oo sida la sheegay uu degenyahay siyaasiga lagu  magacabo Cabdi qeybdiid.

Wararka hordhaca ah ee soo gaaray warqabadka gaalkacyo ayaa sheegaya in qaraxu uu geystay nin is miidaamiyay islamarkaana uu sababay khasaare 1 qof oo dhimasho ah iyo 7 kale oo dhaawac ah dumarna ay ku jiraan.

Majiraan warar faah faahin oo sirasmi ah u xaqiijin kara waxa dhacay balse wararka dambe ayaad kaga bogan doontaan.

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo