Qarax ayaa caawa ka dhacay degmada Boocame gobolka Sool sida ay xaqiijinayaan goob joogayaalhalkaasi ku sugan.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay Goob lagu daawanayay Dhalo Ama Video ayna ku tuunsanaayeen dad weyn iyo yarba leh,

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaana loola cararay dhaawacooda dhanka iyo magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland.

Qaar ka mid ah goob joogayaal ku sugnaa goobta marka uu qaraxu dhacay ayaa u sheegay xafiiska wararka ee SBC In Qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan oo siweyn looga maqlay xaafadaha degmada waxaana ay u badiyeen dadka deegaanka nooca gacanta laga tuuro

Dadka deegaanka Boocame ayaa arintan ku sasay kana muujiyay walaac iyadoo aan horay looga aqoon deegaanka qarax ka dhaca, waxayna noqoneysaa dhacdadani tii ugu horeysay intii uu dalku ku jiray Burburka.

SBC international News Desk.