Digniin- Fadlan haweenka, dadka da’ada ah, caruurta yar yar & dadka qalbiga jilicsan ha ka taxdaraan daawashada ama eegista sawiradan, inkastoo aan isku daynay inaan sawirada daah saarno, hadana SBC oo ilaalinaysa xeerarka saxaafada & dareenka dadka waxaan  daah saarnay ama aan color cad marinay dhiiga & dhaawacyada qofka meydka ah.

Xukuumada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday xaqiijinta warka ku saabsan in magaalada Muqdisho lagu diley hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida ee bariga Afrika Fasul Cabdalla.

Wakaalada wararka Reuters ayaa baahisay iyadoo soo xiganaysay sarkaal sare oo ka tirsan dawlada Mareykanka in Fasul Cabdalla uu ku dhintey iska rasaaseyn uu la galey ciidamada dawlada FKMG.

“Waxaan amaanaynaa shaqada ay qabatey dawlada FKMG, dilka Fasul Cabdalla wuxuu meesha ka saareysaa mid ka mid ah kooxaha argagixisada ee ugu qibrada badan qaabeynta hawlgalada Bariga Afrika taasi oo aan si shaki ku jirin ay xakameynayso hawlgalada” sidaasi waxaa yiri sarkaalka ka tirsan dawlada Mareykanka.

SBC News Desk