Koox maleeshiyo ah oo hubaysan ayaa goor dhaweyd dad rayid ah ku leysay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilkan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 6 qof tiro kalena way ku dhaawacmeen, waxaana uu ka dhacay xaafada Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dadka weerarkan ku dhintey ayaa wararku sheegayaan inay ka soo jeedaan gobolada Koonfureed ee dalka, waxaana jira warar isa soo taraya oo ku aadan in dilkani uu salka ku hayo falal dilal & amni xumo ah oo ka oogan magaalada Gaalkacyo.

Xarun idaacadeed oo bam lagu tuuray

Iyadoo falalka amni darada ee ka taagan magaalada Gaalkayo ay sii kordhayaan ayaa  habeenimadii xaley waxaa bam nooca gacanta laga tuuro waxaa lagu tuurey xarunta idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo bamkaais uu geystey dhaawaca qof ilaalo ka ahaa xarunta idaacada, iyadoo qaraxaasi oo laga maqlay magaalada Gaalkacyo uu sidoo kale waxyeelo gaarsiiyey dhisme ku dhaw xarunta idaacada.

Maamul Hotel oo isku day dil ka badbaadey

Maamulaha hoteelka Seylaan Gaalkacyo Sheekh Yaasiin  kana mid ah culima’udiinka Gaalkacyo ayaa xaley wuxuu ka badbaadey isku dil oo ay la damacsanayeen koox hubaysan oo rasaas ooda kaga qaadey xili uu ka soo baxay masjid uu ku tukuday salaada maqrib.

Sheekh Yaasin ayaa rasaastii lagu furey waxaa ka soo gaarey dhaawac kooban, waxaana la sheegay in loo fidiyey gargaar caafimaad oo deg deg ah.

Falalkan ugu dambeeyey ee amni xumo ee taagan Gaalkacyo ka noqdey tusbax afka laga furay kuwaasi oo lagu beegsanayo dadka waxgalka ah ee bulshada ka dhexmuuqda.

Deeqo Faarax Nuur (Billan)
SBC International Gaalkacyo