Daqiiqado ka hor waxaa magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland ka soo degay Wafdi balaaran oo uu horkacayo madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed .

Wafdiga madaxweynaha ee Soogaaray Garoowe ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay, waxaana ka qeyb qaatay soo dhaweyntiisa Madaxda sar sare ee Puntland oo uu horkacayo Madaxweynaha Puntland C/raxamana faroole iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Dowlada Puntland.

Hadalo ay labada masuul ka kala jeediyeen Garoonka ayaa waxaa ku horeeyay madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole oo madaxweyne Shariif ku soo dhaweeyay Garoowe, (DHAGEYSO LABADA COD EE MADAXWEYNAHA PUNTLAND IYO KAN SOMALIA)Click Here

Ka dib soo dhaweyn waxaa loo soo gelbiyay wafdiga madaxweynaha dhanka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaas o o lagu wado in saacadaha soo socda ay saxaafada kula hadlaan labada dhinac kana warbixiyaan ujeedka safarkooda iyo weliba kulamada ay wada yeeshaan.

Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe