Wararka ka imaanaya magaalada Sanca ee caasimada wadanka Yemen ayaa sheegaya in weeraro duqeymo ah oo  lala beegsaday xarunta madaxtooyada Yemen ay ku dhaawacmeen masuuliyiin sar sar oo uu ka mid yahay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax.

Weerarkan ayaa lala beegsadey Masjidka xarunta madaxtooyada halkaasi oo ay ku tukanayeen madaxda dalka Yemen.

Sarkaal ka tirsan dawlada Yemen ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in weerarkaasi dhaawac fudud uu ka soo gaarey madaxweyne Saalax, sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmey Ra’isalwasaaraha Cali Maxamed Mujawar , iyo xubno kale oo uu ka mid yahay kaabo qabiillka qabiilka Madaxweyne Saalax, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in gudoomiyaha Baarlamanka & xubno kale ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Laakiin masuul ka tirsan dawlada Yemen ayaa beeniyey weerarkaasi uu dhaawac ka soo gaarey madaxweyne Saalax, waxaana uu sheegay in goor dhaw uu telefishinka dadka kala hadli doono.

Dawlada Yemen ayaa ku eedeysay masuuliyada weeraradan qarax maleeshiyada daacada u ah hogaamiye qabaail Sheikh Sadiq al-Ahmar, kaasi oo dagaal kula jira ciidamada dawlada.

Warkan oo faahfaahsan & Sawiro kala soco SBC goor dhaw insha ALAAH

Keyse Caamir
SBC News Desk