Madaxweynaha dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa daqiiqado ka hor waxa uu soo saaray wareegto uu xilal ugu magacaabayo wasiiro ka mid ah xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Wasiirka Amniga, Dabka dhigida, Dib u habeynta, dhaqan celinta, Khaliif Ciise Mudan.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Faroole magacaabay Wasiiru dowlaha Arimaha Sharciga Madaxtooyada,  oo uu u magacaabay Yuusuf Axmed Kheyr, oo isagu ahaa wasiirka Amniga PL.

Wareegtadan ayaa waxaa ku xusan in uu madaxweynuhu xilalkan magacaabay ka dib markii uu arkay Dastuurka Puntland, markii uu sameeyay latashiyo farabadan, iyo markii uu arkay kartida iyo awooda xubanaha uu magacaabay.

Waxaa Wareegtadan ku saxiixan Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroole.

C/naasir Yaasiin
SBC International Garoowe