Wararka deg dega ah ee ku soo dhacaya warqabaka SBC ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la qoon ay ku dileen Magaalada Baladweyne tafaftirihii Idaacada Codka hiiraan ee magaalada Baladweyne Mahad Salaad Aadan .

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxahaasi markii ay falka geysteen ay baxsadeen iyadoona ay dileen wariyaha xili uu ka soo baxyay gurigiisa oo ku yaala xaafada Howlwadaag ee galbeedka Baladweyne.

Ahala u naxariitee Mahad Salaad waxaa sidoo kale uu ahaa Wakiil wareedka Idaacada Shabeele waxaan leenahay Alle ha u naxariisto Samir iyo iimaanka haka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay.