Wararka deg dega ah ee naga soogaaraya magaalada Muqdisho xarunta dalka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ay ku teegteen gudaha degmada waaberi ee gobolkaasi Majaajiliste Marshaale.
Kooxan oo ku hubeysnaa Baastoolado ayaa ku toogtay majaajilistaha afaafka hore ee gurigiisa, kuwaasi oo markiiba halkaasi ka baxsaday.
Dhaawac culus oo soo gaaray Marshaale ayaa lala cararay isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaas oo sida wararku ay xaqiijinayaan uu ku geeriyooday.
Waxii warar ee ku soo kordha cabdi Muriidi Marshaale dib ayaad ku aqrisan doontaan
Daalacatey :865