Hogaamiyihii labaad ee ururka A;l-Qaacida Atiyah Abd al-Rahman ayaa la xaqiijiyey in lagu diley gudaha wadanka Pakistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Mareykanka ka tirsan.

Atiyah Abd al-Rahman oo u dhashay wadanka Liibiya waxaa uu noqdey ninka labaad ee Al-Qaacida ka dib markii uu Ayman Azawajeri uu noqdey hogaamiyaha guud ee Al-Qaacida ka dib geeridii Osama Bin Ladin.

Atiyah Abd al-Rahman horey wuxuu ahaa madaxa hawlgalada Al-qaacida waxaana bilooyin ka hor loo caleemo saarey hogaamiye kuxigeenka Al-Qaacida.

Wakaalada wararka ee AP oo soo xiganaysay saraakiil ka tirsan maamulka Barack Ovama ayaa sheegayu in Al-Rahman lagu diley 22-kii bishan gobolka qabaa’ilku ku xoogan Waziristan, eek u yaal waqooyiga Pakistan.

Saraakiisha Mareykanku ma aanay sheegin qaabka loo diley Atiyah Abd al-Rahman, laakiin xiliga la sheegay in la dilay Atiyah Abd al-Rahman ayaa ah xili la mid ah markii diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee CIA-da Mareykanku ay duqeymo ka geysteen gobolka   Waziristan.

Al-Rahman, oo la rumaysan yahay in uu ku jiro da’ada sodomeeyada wuxuu ahaa nin aad ugu xiran hogaamiyihii Al-Qaacida Osama Bin Ladin, isagoo wakiil uga ahaadalka Iiraan.

Al-Rahman waxaa la sheegay in dalka Iiraan uu ugu dhex socon jiray sidii uu doono oo uu uga gudbi jiray had iyo goor uga talaabi jiray wadanka Afgaanistan.

Al-Rahman wuxuu ku biiray xulufada Bin Ladin isagoo 20 sano ka yar gaar aheyn, wuxuuna Afgaanistan u tagey sidii uu ula dagaalami lahaa ciidamadii midowgii Soofiyeeti ee Afgaanistan qabsadey.

Warar dhanka sirdoonka ayaa sheegaya in ka dib dilkii ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan Navy SEALs ay dileen Bin Ladin ay heleen macluumad la xiriira hawlaha  al-Rahman.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com