Gudoomiyaha Baarlamaanka DKMG Somaliya  Shariif Xasan Shiikh Adan  ayaa goor Dhawayd Ka soo degay caasumada Dowlada  puntland Ee garoowe

Garoonka Diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe waxaa ku sugnaa oo ka qeyb qaadanayay Soo dhaweynta gudoomiyaha Baarlamanka Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Xubno sar sare oo ka tirsan golayaasha wasirada iyo Baarlamanka Puntland .

Markii halkaasi uu soo gaaray Gudoomiyaha ka dib salan qaad iyo is marxabeyn waxaa uu la hadlay Saxaafada isagoona Shariif xasan Sheegay in siweyn uu ugu faraxsanyahay soo dhweynta loo sameeyay ugana mahad celinayo masuuliyiinta Puntland sida ay u soo dhweeyeen islamarkaana ay muu jiyeen karti aad u sareysa.

Waxa uu gudoomiyaha Baarlamanku ka mid noqonayaa Wafuuda dowlada KMG ah ee ka qeyb galaysa Shirka wada tashiga heerka qaran oo la filayo in Maalinta Berito ah uu ka furmo Magaalada Garoowe, waxaana safarkiisa ku weheliyay sida la xaqiijiyey Xubno ka tirsan Baarlamanka DKMG ah .

Gudoomiye Shariif Xasan Sh Aadan ayaa iyo wafdigiisa ayaa loo gelbiyay markii dambe dhanka Aqalka loogu tala galay Martida oo ku yaala magaalada Garoowe, waxaana ka muu qaneysay Magaalada Garoowe in siweyn loo adkeeyay Amaanka islamarkaana ay dadweynaha Magaaladaasi Muujinayaan farxad aad u sareysa iyo soo dhweyn ay soo dhaweynayaan Masuuliyiinta Xukuumada DKMG ah.

Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe.