Doon ganacsi oo u raran Ganacsatada Puntland islamarkaana sida Shixnad Raashin ah ayaa khatar ugu jirta in ay ku degto ama ku quusto afaafka hore ee Dekeda Magaaladan Boosaaso.

Doonidan oo ka timid dhanka wadanka Cumaan ayaa iyadoo soo gashay dekeda Boosaaso waxaa ku haleelay Dabeyl xoogan oo dhaceysa, waxaana ay ku dhacday Dhagax farabadan oo Dekeda Afaafkeeda hore yaala sida ay noo xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Aminga Puntland Col Khaliif Ciise Mudan.

Waxa uu sheegay Wasiirku in doonida ay galeen biyo badan ayna ku sii socoto in ay gebi ahaanteedba degto,

Waxaa jira gurmadyo loo sameeyay, sida uu xaqiijiyay Wasiirku shaqaale ka mid ah kuwa dekeda iyo matooro loo diray doonidaasi si ay waxii bad baadaya badbaadiyaan.

Waxaa iminka soconaya Gurmadka iyadoo ay sii socoto doonida wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka xiga.