Wararka deg dega ah ee aynu ka heleyno magaalada Muqdisho xarunta dalka ayaa sheegaya in aad looga dareemayo dhaq dhaqaaq xoogan xafiisaka Raiisul wasaaraha dowalda KMG ah kaas oo ku aadan Soomacagaabista Wasiirada Xukuumada Cusub.

Sida ay ku waramayaan dad ka agdhow xafiiska Raiisul wasaaraha Soomaaliya waxaa soconaya dhaq dhaqaaqyadaas ku aadan soomagacaabista golaha wasiirada xukuumada.

Waxaa ay sidoo kale noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dheeraad ah in ay u muuqato saacadaha soosocda in si rasmi ah loogu dhawaaqo xubnaha golaha wasiirada xukuumada cusub, maadaama ay iminka soconayaan latashiyo uu wado Raisul wasaaraha.

Waxaa sidoo  kale la sheegayaa in xukuumada lagu wado in la soo magacaabo ay ka mid noqondoonaan qaar ka mid ah wasiiradii xukuumadii hore ee Farmaajo.

SBC International Muqdisho