Dhuusamareeb- Dagaal xoogan oo sababay dhimasho & dhaawac oo saacado ka hor ka qarxay degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguud ayaa  la soo sheegayaa in ugu dambeyntii uu keenay in magaalada Dhuusamareeb gacan ku haynteeda la wareegteen xoogaga Al-Shabaab.

Dagaalkan oo dhexmarey maleeshiyo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo gacanta ku hayey degmada Dhuusamareeb iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Ciidamada Ahlu sunna ee lagala wareegay gacan ku haynata degmada Dhuusamareen ayaa la soo sheegaya inay ku sugan yihiin daafaha magaalada, iyadoo laga cabsi in dagaalo kale oo la xiriira dagaalkan ay ka dhacaan magaalada Dhuusamareeb.

Warar dheeraad ah kala soco SBC Online