Holka Baarlamanka Puntland ee Magaalada Garoowe waxaa ka socota Xaflad balaaran oo lagu ansixinayo Dastuurka Cusub ee Dowlada Puntland.
Waxaa halkaasi isugu yimid madaxda Sar sare ee Puntland Masuuliyiinta gudiga Dastuur sameynta iyo weliba diblimaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan DKMG ah ee Soomaaliya.
Waxaa iyana halkaasi ku sugnaa ergada Ansixineysay Dastuurka oo dhameyd 478 xubnood kuwaasi oo an sixiyay Dastuurka Puntland, ka dib codeyn Maya iyo Haa ah oo laga qaaday,
Ergada ka kala socotay gobolada iyo dhinacyada Dowlada iyo Qurba joogta waxay u codeeyeen Badi haa oo ah in uu ansax yahay Dasturka halka tiro kooban ay diideen, kaga bogo shaxda Hoose sidii loo codeeyay
Shirka Ansixinta Dastuurka Puntland waxaa goobjoog ka ahaa eregy ka socota DKMG ee Soomaaliya iyo sidoo kale Diblumaasiyiin Caalami ah oo ka socota Dowladaha Caalamka Midowga yurub iyo Safiirada Dalalka Dariska la ah Soomaaliya kuwaasi oo xilligan ka qudbeynaya Hoolka Baarlamaanka Puntland
Haa Waxaa u codeeyay
| Gobolada | Ergada | Codka Haa | |
| Gobolka Bari | 93 | 92 | |
| Gobolka Sanaag | 86 | 84 | |
| Gobolka Mudug | 53 | 51 | |
| Gobolka Nugaal | 53 | 53 | |
| Gobolka Sool | 83 | 83 | |
| Dowlada | 100 | 99 | |
| Qurba joogta | 5 | 5 | |
| Punsaa | 5 | 5 | |
| Total: 478 | Total: 472 |
Maya Waxaa ku codeeyay
| Gobolada | Ergada | Codka Maya | |
| Gobolka Bari | 93 | 1 | |
| Gobolka Sanaag | 86 | 2 | |
| Gobolka Mudug | 53 | 2 | |
| Gobolka Nugaal | 53 | 0 | |
| Gobolka Sool | 83 | 0 | |
| Dowlada | 100 | 1 | |
| Qurba joogta | 5 | 0 | |
| Punsaa | 5 | 0 | |
| Total: 478 | Total: 6 |
Daalacatey :716