Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo bilowday bartmaha duhurnimadii maanta ayaa soconaya ilaa iyo iminka, waxaana sida la sheegay ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo aan tiradooda la aqoon.

lama oga sababaha ugu weyn ee uu dagaalku ku bilowday balse dadka deegaamada uu ka dhacayo ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhashay ka dib howlgalo ay ciidamada Amaanka Puntland ka wadeen goobaha uu dagaalku ka socdo.

Sikastaba ha ahaatee dagaalkan ayaa ah mid xoogleh waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan

Waxii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe .