Wararka deg deg ah ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo xarunta gobolkaasi Baay ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhow galeen Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo kuwa SOomaalida ah ee ku sii fool lahaa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in aan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay  markii ay galayeen ciidamada DKMG ah gudaha Magaalada Baydhabo iyadoona halkasi ay isaga bexeen ciidamada xarakada Alshabaab oo iyagu halkaasi ku xooganaa.

Qaar ka mid ah Saraakiisha DKMG ah ee la socday Ciidamadaasi gaaray Baydhabo oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay Baydhabo ku sii hakan doonin ayna sii socon doonaan foodana saari doonaan wax alaale wixii ka horyimaada waasida ay hadalka u dhigeene.

C/casiis Ok
SBC INternational