Kooxaha shuftada badda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigey markab nooca xamuulka qaada oo laga leeyahay wadanka Talyaaniga kaasi oo ay ka qabsadeen badweynta Hindiya.

Weerarkan afduub oo saaka waaberigii ka dhacay xeebaha Koonfur bari ee magaalada Salalah ee wadanka Cumaan ee badweynta Hindiya ayaa la sheegay in kooxaha burcad badeeda ay u suurtagashay inay qabsadaan markabkan oo lagu magacaabo MV ROSALIA D’AMATO.Markabkan oo ah kuwa xamuulka qaada ayaa tankiisu dhan yahay 74,500 oo tan waxaana uu ku socdey dekada magaalada  Bandar Imam Khomeini ee wadanka Iiraan isagoo ka soo kicitimay magaalada  Paranagua ee dalka Brazil.

Taliska ciidamada isku dhafka ah ee hawlgalka ka wada xeebaha Soomaaliya kuna hawlan la dagaalanka burcad bdeeda ee magacooda loo soo gaabiyo EU NAVFOR Somalia ayaa u xaqiijiyey SBC International in burcad badeedu ay dusha u fuuleen markabka oo ay saaran yihiin 21 shaqaale ah oo 15 ka mid ah ay u dhasheen wadanka Filipiin halka 6-da kalena u dhasheen wadanka Talyaaniga.

SBC News Desk